Wadda Hadalo Lagu Xalinayo khilaafka Farmaajo iyo Rooble Oo Markale Dib U Bilowday

0

Waxaa bilowday dadaalo kale oo ladoonayo in lagu xalinyo khilaafka soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha Dalka

Dadaalada Wadda hadaladaan ayaa waxa hada dib u bilaabay markale  Qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada,Wasiiro ka tirsan xukuumada xilgaarsiinta iyo Guddoonka gobolaha shacabka ee waqtigiisu dhamaaday.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye qoor qoor iyo Guddoomiyaha Gollaha shacabka Maxamed mursal sheikh cabdiraxmaan ayaa hogaaminaya haatan wada hadalada lagu soo afjarayo khilaafka cirka isku sii shareeraya ee udhexeya madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha

Wxaana la doonayaa in laisku soo dheweyo labada dhinac islamarkaasna ay wada hadlaan arimaha jira xal waaranaa laga gaaro

horay waxaa loogu guuldareystay wadda hadalo lagu dhexdhexaadinayay laba masuul iyadooana haatan markale laisku dayo in khilaafka meesha laga saaro kaasi oo la tilmamaay in uu caqabad ku noqonayo geeddi socodka arimaha doorashooyinka

Wadda hadala dib loo bilaabay ayaa waxa xiisa uyeelaya in guddoomiyaha golaha shacabka uu kulamo gooni gooni ah  lakala qaatay madaxweynaha iyo Raiisul wasaraaha islamarkaasba labadooda uu ka dhageystay tabashada jirta iyo wax khilaafkaan keenay

Waxaana la sheegay in inta ay socdeen wadda hadala laisku afgartay in khilaafka la xaliyo balse laisku mariwaayay ka laabashada magacaabistii la sameeyay

Dhanakale Waxa la sheegay in kulamada ay barbar socdaan cadaadiska imaanaya dhanka beesha caalamka oo ku aadan in si deg deg ah loo xaliyo khilaafaadka ka dhexjira madaxda dalka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here