Waxaana maanta la filayaa in magaalada jowhar ay ka bilaabato doorashada laba kursi oo ka mid ku raasta aqalka sare ee barlamanaka soomaaliya uu ku leeyahay maamulka hirshabeele
Labadaan kursi ayaa waxa la sheegay in ay yihiin kuwa muran ugu xoogan uu ka taagay yahay ,waxaana utartamaya ilaa iyo shan musharax kuwaasi oo doonaya in ay helaan matalaada maamulka hirshabeele
Maamulka hirshabeele ayaa ka mid noqonaya maamul goboleeyda soo gabgabeeyay doorashada aqalka sare hadii maanta la doorto laba kursi ee harsan
doorashada hirshabeele ayaa hada socta muddo ku dhaw todobaad ah waxaana si aah ah madaxweynaha maamulkaasi hirshabeele looga amaanay qaabka uu fursada wada siiyay dhamaan mushraxiinra xildoonka ah ee maamulka hirshabeebe
balse walaac ugu xoogan oo laga qabo doorashada hirshabeele ayaa waxa ay tahay in si aad ah loogu muransayahay kuraasta harsan oo kasoo jeeda dhanka gobolka hiiraan oo qaar ka mid ah beelaha daga ay aad uga soo horjeedaan maamulka uu hogaamiyo madaxweyane cali guudlawe
gacan ka hadal iyo buuq farabafdan oo saameeyay doorashada hirshabeele ayaa jiray oo ku raastaan ah kuwaasi oo dhowr jeer sabababay in dib loo dhigo
waxaana siyaasiyiintu ay haatan walaac xoogan iyo cabsi ka muujinayaan in labadaan kursi uu maamulka hirshabeele ku guuldareyso qabashada doorashadooda maadaama aad lasikugu heyso
doorashada aqalka sare ayaa si habsi uga soconaysa dalka waxaana la filayaa in dhawaan lasoo gabagabeeyo oo loo gudbo tan aqalka hoose

