Waxaa saacadihii aynu kasoo gudubnay Roobab xooggan oo khasaare gaystay ka da’een tuulooyinka ka tirsan deegaanada puntland gaar ahaana tuulada Xiriiro oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari.
Khasaaraha Roobku gaystay ayaa lagu sheegay uu yahay mid hantiyadeed, kadib markii uu dumiyay gurya kala duwan oo ku yaal tuulada Xiriiro, kuwaasi oo ka samaysnaa jiingado iyo cariishyo.
Si aad ah waxa sidookale saameyntiisa roobbabkaan looga dareemay tuuloolyin hoostaga degmada isku shuman
Wararku waxay sheegaya in sidoo kale Roobku burburiyay gooba ganacsi oo ku yaalla tuuladaas Xiriiro, balse xog dhammaystiran lagama helin khasaaraha dhabta ah Ee ka dhashay roobabkii xooganaa ka da’ay xalay tuulada xiriiro ee degmada isku shuman
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in sameyn xoogleh uu ku yeeshay roobku dadka danta yar ,waxaana halkaas ka soconaya gurmad loo fidinayo dadka uu roobku saameeyay
Roobabkaan dayrta ayaa ka curtay degaanno ka tirsan Gobolka Bari, halkaas oo uu meelaha qaarkood ka gaystay khasaare lixaad leh

