Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tira hoobiyaal ah oo xlay lagu weeraray saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa amisom ay ku leeyihiin degmada awdheegle ee gobolka shabeelaha hoose
Weerarkaan Hoobiyaasha ah ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan dagaalamayasha al-shabaab,Waxaana la sheegay in hoobiyaashaan ay ka dhasheen qasaare kala duwan oo Dhaawacyo u badan
Maamulka degmada Awdheegle oo war qoraal ah soo saaray ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay weerarkaan iyo khasaaraha ka dhashay
Kooxda Alshabaab ayaa xalay maqribnimadii hoobiye kusoo tuuray Degmada Awdheegle gaar ahaan Waaxda Malable, wuxuuna ku dhacay Guri ay degan yihiin dad shacab ah. Waxaana ku dhaawacmay 5 ruux oo isku qoys ah, taasoo ka tarjumaysa inaysan cidna u aaba yeelaynin ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka Degmada Awdheegle.
Gudoomiyaha Degmada Awdheegle Mudane Cabdullaahi Cusmaan Abuukar ayaa Alle uga baryey caafimaad degdeg ah in uu siiyo Dadkii ku dhaawacmay falkaas.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ka codsadey Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka KoonfurGalbeed in Kooxda Alshabaab laga xoreeyo deegaanada Mubaarak, Daarusalaam iyo Toortoorow, kuwaas oo muhiim u ah isu socodka Caasimadda Gobolka ee Marko iyo Awdheegle.
Qaar ka mid ah dhaawacyada hoobiyaashii xalay ayaa waxa lasoo gaarsiiyay isbitaalada ku yaal magaalada muqdisho ee caasiamada dalka si halkaan loogu dabiibo

