Warar aan ka helayno Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in xalay israxaaseyn xoogan ay dhaxmartay Kooxo Burcad Hubeysan ah iyo Ciidamada Amaanka Degmada Caabud-Waaq ee Gobolkaasi.
Israsaaseyntaan ayaa waxa ay dhacday xili fiid ah waxaana ay timid kadib markii ciidamada amaanka degmada oo howlgalo ku jira ay israsaaseeyeen dhalinyaro isticmaaleysay waxyaabaha maanka dooriya sida qamriga iyo xashiishka
Waxaana la sheegay in iska hor,imaad xoogan oo in muddo ah socday uu halkaasi ka dhacay ugu dambeyntiina ay goobta ka baxsadeen qaar kamid ah kooxdii burcada aheyd ee ciidamada amaanka rasaseyay
Guddoomiyaha arimaha Bushada degmada caabud-waaq ayaa idaacada simba uga warbixiyay si ay u dhacday israsaaseyn
waxaana uu sheegay rag hubeysan oo muqaadaraad isticmaalay ay rasaaseeyeen ciidamada booliska islamarkaasna uu ka dhashay qasaaro badan
waxaa uu sheegay in Ciidamada amaanka laga dhaawacay sadax askari halka kooxdii burcada ay heydna uu sheegay in ay ka dileen labo ka mid ah kuwa kalana ay ka baxsadeen
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamadu haatan ay ku raad joogaan Burcada ka baxsatay islamarkaasna ay gacanta kusoo dhigayaan cadaaalada ay horgeeynayaan si looga qaado talaabo sharciga waafaqsan
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxa degmada caabud-waaq kusoo badanayay dhalinyarada isticmaasha waxyaabaha maanka dooriya
Waxaana jirata in maamulka degmadu uu wado dhankiisa kaasi oo ay uga hortagayaan falalkaasi

