Weerar Khasaare Geystay Oo Dhacay Magaalada Baladweyne

0

Wararka aan ka helayno magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay  weerar qasaare kala duwan geystay uu ka dhacay gudaha magaalada baladweyne

Weerarkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii la sheegay in xubno ka tirsan al-shabaab ay weerar ku qaadeen barkoontarool oo ciidamada maamulka hirshabeele ay kuleeyihiin halka loo yaqaan buunda weyn oo ka tirsan Magaalada baladweyne

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaan uu ka dhahsay khasaaro kala duwan oo dhaawac u badan

alshabaab oo weerarkaan masuuliyadiisa sheegtay ayaa waxa ay sheegeen in ay ku dhaawaceen ilaa iyo shan askari oo ka tirsan ciidamada maamulka hirshabeele

wali majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amina gobolka hiiraan oo looga hadlayo weerarka iyo  sheegashada al-shabaab

alshabaab ayaa inta badan xiliyada habeenkii ah weeraro la beegsada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka hirshabeele ay ku leeyihiin Magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here