Weerar Madaafiic ah Oo lagu Qaaday Deegaan Katirsan Gobolka

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo xalay lagu qaaday deegaan ka tirsan puntland

Weerarkaan ayaa waxa uu yimid kadib xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay tiro

Madaafiic ah ku weerareen saldhig  ciidamada maamulka Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur oo qiyaastii 70 KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay weerarkaan waxaan ay sheegteen in khasaare ay ku gaarsiiyeen madaafiicdaan ciidamada maamulka puntland

Wararka  Al-shabaab ay ku baahiyaan dhinaca in tearneetka waxa ay ku sheegteen in Saldhiga ciidamada puntland ee deegaanka Af-urur ay ku garaaceen  15 hoobiye kuwaas oo ay sheegeen in ay ku dhaceen gudaha xerada ciidanka ee Af-urur.

Al-shabaab si rasmi ah uma sheegin qasaaraha qasaaraha balse waxa ay sheegeen in waxyeelo ay ku gaarsiinyeen ciidamada puntland

Majirto wax war ah oo kasoo baxay puntland oo looga hadlayo weerarkaan madaafiicda ah ee lagu qaaday saldhiga ciidamada puntland

Weerarkaan ayaa waxa uu imaanaya xili sidaan oo kale deegaanka af uruur alshabaab ay weerar madaafiic ah ula beegsadeen sanadkii 2017 kii weerarkaasi oo ay la sheegay in khasaare badan uu dhaliyay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here