Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare kala duwan geeystay oo ka dhacay deegaanka barsanguuni oo hoostaga magaalada kismaayo ee gobolka jubbada hoose.
Dagaalkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar culus la beegsadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka barsanguuni
Waxaana la sheegay in daagaal toos ah uu in muddo ah socday kaasi oo khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac dhaliyay .
ila wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xoogan oo qasaarihii aan si rasmi ah loo xaqiijin karin
al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaan waxaa ay sheegeen in qasaare ay ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda
al-shabaab wararka ay dhinaca interneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegteen in ay weerrakaan ku dhaawaceen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda

