Dagaal Khasaare Dhaliyay Oo Ka Dhacay Deegaan Katirsan Jubbada Hoose

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare kala duwan geeystay oo ka dhacay deegaanka barsanguuni oo hoostaga magaalada kismaayo ee gobolka jubbada hoose.

Dagaalkaan ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay weerar culus la beegsadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen deegaanka barsanguuni

Waxaana la sheegay in daagaal toos ah uu in muddo ah socday kaasi oo khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac dhaliyay .

ila wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid xoogan oo qasaarihii aan si rasmi ah loo xaqiijin karin

al-shabaab ayaa guulo  ka sheegtay dagaalkaan waxaa ay sheegeen in qasaare ay ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda

al-shabaab wararka ay dhinaca interneetka ku baahiyaan waxa ay ku sheegteen in ay weerrakaan ku dhaawaceen askari ka tirsanaa ciidamada dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here