Mid kamid ah Difaacayaasha Bada Soomaaliya Oo Geeriyooday

0

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday ENG Maxamed Cumar Saalixi oo ka mid ahaa xubnha dowladda soomaaliya kumatalayay dacwada bada soomaaliya iyo kenya.

Marxuumka ayaa waxa uu laf-dhabar u ahaa dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. isagoo dalkiisa ugu shaqeeyay si hagar la’aan ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey kiiska dacwadda baddeenna ee horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikh nololeedka Marxuumka oo ku suntanaa dal jaceyl iyo howlkarnimo, taas oo ay ka mid tahay in Sarreeye Gaas Maxamed Cumar, Alle ha u naxariistee, uu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Wasiir Ku-xigeen, Hoggaanka Sahanka iyo Maababka Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo hormuud u ahaa hirgelinta mashaariic horumarineed oo dalka laga fuliyey siddeetamaadkii.
“Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Saalixi waxaa uu laf-dhabar u ahaa dadaallada keydinta xogta dhuleed iyo badeed ee dalkeenna, isaga oo ka soo qeyb-qaatay sameynta maabab dalku uu leeyahay, haatanna waxa uu xubin ka ahaa Guddiga Qaran ee difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee hortaal Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u weydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here