Askari Katirsan Ciidamada Dowladda Oo Lagu Dilay Muqdisho

0

kooxo Bastoolada ku hubeysan ayaa  waxa ay xalay askari ka tirsan ciidanka dowladda ay ku dileen isgooska ex-koontarool afgooye ee magaalada muqdisho

Askariga la dilay ayaa waxa la sheegay in uu ka tirsanaa ciidanka booliska degmada hodan waxaana magaciisa lagu soo koobay liibaan

Dilka kadib waxa goobta iskaga baxsaday kooxdii kadambeysay dilka wiyadoona ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda kuwaasi oo meydka goobta kasoo qaaday,islamarkaasi bilaabay howlgalo ay ku baadigoobayaan ragii ka dambeeyay dilka askarigaan ka tirsanaa ciidanlka dowladda.

Al-shabaab ayaa dhabarka uritay  masuuliyada dilkaan waxaana ay warar ay ku baahinayaan dhinaca baraha interneetka ay ku sheegeen in howlgalo ay xubno ka tirsan ka fuliyeen degmada hodan ay ku dileen askarigaan

majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo looga hadalayo dilka magaalada muqdisho loogu geeystay askariga Ciidamada dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here