Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya iska hor imaad culus oo dambleey hubeysan ciidamo ka tirsan kuwa galmudug ku dhexmartay degmada guri ceel ee gobolka galgaduud .
Israsaaseyntaan ayaa waxa ay timid kadib markii ciidamo ka tirsan booliska degmada guriceel oo howlgalo ku jira ay rasaas ku fureen dableey hubeysan oo ismaalayay waxyaabaha maanka dooriya.
in muddo ayay soco tahay israsaaseyntu waxaana ay la tilmaamay in dableeydii hubeysnayd ay baxsadeen islamarkaasna ay ka carareen Gaari iyo kartoono ay ka buuxaan qamri.
Warar ayaa sheegaya in wali aan la xaqiijin qasaaraha ka dhshay israsaaseyntaan maadaama ay xili habeen ah aheyd
Llaamaha amniga degmada guriceel wali wax faahfaahin ah kama bixin khasaaraha ka dhashay iskudhacaan iyadoona haatan lagu soo waramaya in xaaladu ay caadi tahay islamarkaasna ay ciidamada boolis ay goobta ku suganyihiin
Dadka isticmaala iyo kuwa kaganacsada waxyaabaha maanka dooriya sida qamriga iyo xashiishka ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay gobolada dalka
Waxaana jiray howlgalo dhowr ah oo looga hortagayo kuwaasi Oo ka dhacay Gobolada Mudug iyo Galgaduud .

