Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeer gaarka ah ee maamulka jubbland ka bilaabanaya amar culus oo uu dhawaan soo saaray maamulka jubbaland
Amarkaan ayaa waxa uu ahaa mid looga hortagayay falalka amni daro ee ka dhaca magaalada
waxaana maamulka jubbalnd uu muddeyay in maanta amarkaasi uu si rasmi ah u dhaqan galayo
Amarkaan uu soo saaray mamaulka jubbland ayaa waxa uu ahaa in hub aan lagu dhex isticmaalikarin gudaha magaalada kismaayo islamarkaasna qofkasta oo la arko si goo hub sharcisdaro ah ku dhex wata magaalada talaabo la qaadayo
arintaan ayaa waxa ay imaanaysaa xili ay muddooyinkii dambe ay soo badabnayeen dadka hubka iskga dhax wata magalada kuwaasi oo aan dowlad goboleedka jubbland u diwaan gashanayn
Sidookale waxa magaalada kismaayo ku batay dillalka qorsheysan oo aan la garanayn cid fulisay
waxaana maamulku uu tilmaamay in talaabadaan ay tahay mid amniga lagu xaqiijinayo ay dan ugu jirto cid kasta

