Ciidamo ka tirsan maamulka puntland ayaa waxa saacdihii lasoo dhaafay howlgalo balaaran oo ka dhan ah daacish iyo alshabaab ,waxa ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan buuraleyda gobolka bari si gaar ah howlgaldu waxa ay uga dheceen Aaga sil-silada goolis
Ciidamada difaaca dawlad goboleedka Puntland ee kala ah ciidamada daraawiishta iyo ciidamada PSF ayaa hawl-galdaan si wada-jir ah u sameeyay iyadoona lagu sheegay in lagu sugayo Amniga ka
Ciidamadaan deegaanada ay howlgalada ka sameeyeen waxa ka ah Il iyo camayra, ceel-unkud, muguc iyo karin-dawaco.iyo kuwa kale oo badan
Warka soo baxay laama amniga puntland ayaa waxa lagu sheegay in Ciidamada uu hogaaminayay Taliyaha ciidamada difaaca Dawlada Puntland ee Silsilada Golis G/Sare Saciid Nuur Shire ayaa hawl-galkaan qorshaysan ee la sameeyay waxay ahayd ujeedadiisu xaqiijinta Amniga iyo daba galka xubno ka tirsan kooxda daacish iyo dagaalamayaahs a oo la tuhunsanyahay in ay ku suganyihiin buuraha Golis.
Ciidamada difaaca dawlada Puntland ee Aaga sil-silada Golis waxay u taagan-yihiin markasta xaqiijinya Amniga, suulinta kooxaha burcad diimeeda ah ee ku dhuunta buuraha iyo ilaalinta nabad-gelyada guud ee Puntland aya lagu yiri qoral kasoo baxay maamukaasi puntland .

