Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-Qaadi oo la dhaawacay

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Baardheere ee Gobolka gedo ayaa ku waramaya in Gudaha degmadaas uu ka dhacay qarax miino oo gaari loogu xiray mas’uul ka tirsanaa Maamulka Baardheere.

Qaraxa ka dhacay degmada Baardheere ayaa la sheegay in lagu xiray gaari uu lahaa Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-Qaadi. Xili uu marayay Bartamaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta dalka soomaliya.

Sida ay  sheegayaan qaraxa waxaa ku dhaawacmay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-Qaadi kaasi oo loola cararay Mid kamid ah xarumaha caafimaad ee ku yaala Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo la Hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa uu Gudoomiyaha uu ku dhaawacmay isla markaana uu dhaawac kasoo gaaray Lug iyo gacan, hadana xaaladiisa la dabiibayo.

Dhanka kale Cidna ma sheeganin qaraxa lagu dhaawacay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-Qaadi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here