Taliska Amisom oo beeniyay in ay ka baxeyn Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Taliska Amisom ee soomaliya ayaa si kulul u beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Midowga Africa ee amisom ay iskaga baxeyn Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose al-shabaabna ay la waregeen Gacan ku heynta Magaalada.

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha  Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira oo war qoraal ah xafiiskiisa kasoo saaray  ayaa ku beeniyay in ciidamada Midowga Africa ee amisom ay ka baxeyn Magaalada Marka.

Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay in wararka Tilmaamaya in ciidamada Midowga Africa ee amisom ay ka baxeyn Magaalada Marka ay yihiin kuwa ay qoreen warbaahinta balse ay ciidankooda ay wali ay ku sugan yihiin Magaalada Marka ee Gobolka shabeelaha Hoose. aysan jirin ciidamo ka tirsan al-shabaab oo la wareegay Magaalada.

Hadalka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha  Midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira ayaa imaanaya xili ciidamada midowga Africa ee amisom la sheegay in ay ka baxeyn saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Marka  ee Gobolka Shabeelaha Hoose al-shabaabna ay la wareegeen xarumihii ay ka baxeyn.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here