Howlgalo baaritaano ah ayaa saakay ka socda degmada xamar Jajab ee Gobolka Banaadir iyadoo Howlgalka ay sameynayaan ciidamada hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya. iyo kuwa booliska soomaliyeed.
Dad ku sugan degmada xamar Jajab oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay howlgalka uu yahay mid balaaran hakadna uu ku jiro isku socodka dadka iyo gadiidka degmada xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Howlgalka oo bilowday subaxnimadii Hore eee saakay ayaa intiisa badan ka socda xaafadaha hoos yimaada degmada xamar jajab ee Gobolka banaadir dad badan oo dhalinyaro u badan ayaa la sheegay in howlgalka lagu qabtay.
Dhawaan degmada xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa ka dhacay qarax gaari loo adeegsaday kaasi oo lala damacsanaa in lagu qaarijiyo mas’uul la sheegay in uu shaqaalo ka ahaa mid kamid ah Hay’ada dalka soomaliya ka shaqeeya.

