Madaxweyne Qoor Qoor Oo Difaacay Doorashada Aqalka Sare Ee ka Dhacaday Galmudug

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo xalay qeyb galay  munaasabadda sanadguurada 15aad ee Galmudug taas oo ka dhacday caasimadda Dhusamareeb ayaa waxa uu ka hadlay Doorashada Aqalka Sare Ee ka dhacday deegaanada Galmudug isagoo si weyn u difaacay ismarkaasna sheegay in ay ku dhacday sidii lagu heshiiyay .

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in doorashadani aheyd mid dadbadan oo si hufan ay u qabteen balse dad badan oo aan wax badan ka ogeyn ay iska qeyliyeen

Waxaana uu tilmaamay in loo baahanayahay in qofka musharax ah lagu  kalsoonaado isaguna uu tartamo oo codkiisa uu weydiisto Xildhibaanada Barlamaanka

Muddoyinkii dambe ayaa aad waxa loo hadal hayay doorashada aqalka sare ee kandhaceysa Galmudug iyadoona ay kuraasta qaar ka taagneyd Isqabqabsi xoogan taasi oo hadal heyn badan dhilisay si kursiga ay isku heystaan Cabdi qeybdiid iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here