Doorashada Aqalka Sare Ee Puntland Oo Ka Bilaabanaysa Garoowe

0

Waxaana lagu wadaa in Doorashada Aqalka Sare Ee Puntland Ay ka bilaabato goordhaw Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland

Ilaa iyo 22 musharax ayaa maanta ku tartamaya Doorashada iyadoona ladoonayo 11 ka mid ah oo Maamulka Puntland kumatali doona Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Gaar ahaana Senetarada Aqalka Sare

Waxaa haatan lagu soo Waramayaan in Udiyaar garowga iyo qaban qaabada Doorashadu ay bilaabatay islamarkaasna lagu arkay Xubno badan oo isku garbinaya sidii uu midba midka kale uu uga adkaan lahaan ama uu uga soo bixi lahaa

Amaanka Magaalada Garoowe ayaa Aad loo adkeeyay gaar ahaana Goobta ay doorashadu maanta ka dhaceyso

Wufuud kala duwan ayaa kusii qulqulaya Magaalada kuwaasii oo kasocda Dowladda Faderaalka iyo saaxiibada Soomaaliya ee daneeya arimaha Doorashada Dalka

Sidookale Waxaa la filayaa in Goordhaw Magaalada Garoowe ay gaaraan gudiyada Doorashooyinka Gaar ahaana Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyo Guddiga Heer Federaal Ee Doorashooyinka Oo iyaguna indha indhaynaya qaabka ay Doorashadu udhaceyso

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here