Meydadka Dad Shacab Ah Oo Amisom ay laysay ayaa lasoo gaarsiiyay Qaar ka mid ah isbitaalada kuyaal Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka
7 qofood maydkooda ayaa la keenay isbitaalada Muqdisho kuwaas oo ay Ciidamada Amisom ay ku laayeen deegaanka Golweyn ee hoostaga Degmada marka Ee Gobolka Shabeellaha Hoose
Waxaana dilka dadkaan shacab ah oo dhalinyaro ubadnaa la sheegay in uu yimid kadib markii Ciidamada Amisom Qarax lagu la eegtay Halkaasi islamarkaasna ay bilaabeen in dadka shacab ah inta soo qabqabtaan ay dilaan
Qaar ka mid ah ehelada dadkooda lalayay oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Amisom ay dadkoodi inta guryaha kala baxeen ay Dileen Kadibna inta lugaha iska xireen ay Miino inta ku xireen qaraxiyeen
Ehelada ayaa Dowladda Faderaalka Ah ka Dalbaday In Cadaalada Loo Marsiiyo Dadkii Farkaasi ka dambeeyay
Waxaana ay wacad ku mareen in dadkooda aan la aasi doonin inta ay cadaalad ka helayaan

