Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay qasriga madaxtooyada ku qaabilay xubno ka socday Guddiga hirgalinta doorashooyinka iyo guddiga Xalinta Khilaafkaadka ee Heer federaal oo uu hoggaaminyay guddoomiyaha guddiga.
Madaxweynaha Galmudug ayaa wali soo magacaabay xubnaha musharaxiinta ee Aqalka Sare ee utartamaya in maamulka galmudug ay ku matalaan barlaanka Soomaaliya
Gudiyada iyo Madaxweyne qoor qoor ayaa ka wada hadlay arimaha laxariir dadajinta doorashada iyo soo magacaabida xubnaha aqalka sare iyo sidii looga fogaan lahaa in wax khilaaf ah uu ka yimaado soo magacaabida xubnaha musharaxiinta Aqalka Sare ee galmudug
Labada dhinac ayaana isla qaatay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu qabto doorashada aqalka sare islamarkaasna waxa Madaxweyne qoor qoor laga dalbaday in uu soo saaro musharaxiinta utartamaysa aqalka sare
Waxaana xusid mudan in madaxweynaha galmudug uu saacadiihii lasoo dhaafay uu wajahayay culeysyo badan oo ku saabsan kala xulista xubnaha aqalka sare ee doonaya in ay utartama kuraasta aqalka sare ee Maamulka Galmudug

