Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaan in saacaadaha soo aadan uu gaaro magaalada Nairobi kadib Casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha kenya
Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka uu tago Nairobi waxa uu halkaasi kulamo ku qaadan doonaa madaxweynaha kenya
<span;>Waxaana lagu wadaa inay kawada hadlaan in si buuxada loo soo celiyo xiriirka soomaaliya iyo kenya oo muddoyinkii dambe madmadow badan uu ku jiray
Kadib markii labada ay safaarahada kala xirteen islamarkaasna uu xumaaday xiriirka labada balse dhawaan ayaa dib loo soo celiyay walina si sax ah looguma guuleysan in meesha laga saaro wixii laisku qilaafay
Waxaa jiray warar sheegaya in raiisul wasaaru uu kenya kala hadlayo arinta muranka dhinaca bada kaas oo yaala maxkamada cadaalada adduunka ee icj
Balse waxaa warkaasi ku saabsan in Ra’iisul Wasaaru uu kenya ugu tagayo arimaha bada beeniyay afhayeenka Xukuumadda Maxamed ibraahim Macalimuu
Waxaana uu sheegay in safarka Ra’iisul Wasaaraha uu daaranyahay ka wada hadlida soo celinta xiriiirka labadal iyo sidii si rasmi ah ay ugu bilaabanlahaayeen iskaashigii hakadka galay ee udhexeyay labada dal sida Arimaha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha
Soomaaliya iyo Kenya ayaa ah labada dal oo daris ah waxbadana ay ka dhexeyaan kuwaasi oo ay Ka midyihiin iskaashiga dhinaca amniga oo ciidmada kenya ay qeyb ka ah Ciidamada nabad ilaalinta ujooga soomaaliya ee amisom

