Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya Ciidamo ka tiran Amisom oo isku rasaaseeyay deegaano ka tirsan gobolka Gedo
Warar aan helayno ayaa sheegaya in qaar ka mid ah ciidamada itoobiya ay dhaxdoodu isqilaafeen islamarkaas ay rasas isku bilaabeen xili ay ku sugnaayeen Degmada Baardheere
Waxaana dadka deegaanku ay kusoo waramayaan in khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh uu dhashay Israsaaseenta dhaxmartay
Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa dhintay mid kala waa uu dhaawacmay kadib isku dhaca ciidamadaan kawada tirsan itoobiya
Kuwaas ii ka mid ah ciidamada howgalka nabad ilaalinta ujooga soomaaliya
Dhacdadaan ayaa noqotay mid ugub ah oo lagu arkay ciidamada amisom iyadoona haatan si aad ah looga yaabanyahay beegsiga ciidamadaan ka wada tirsan itoobiya

