Wasiir Katirsanaa Xukuumada Puntland Oo Geeriyooday

0

Waxaana Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland Ku Dhintay Alaha unaxariistee Wasiir ku xigeenkii wasaarada Howlaha Guud iyo Gaadiid Puntland Asad Xuseen Xaashi Oo ka mid ahaa Xubnaha Ugu Fifircoon Xukuumadda Puntland.

Marxuunka ayaa la sheegay in uu ku dhacay Cudurka karona virus Maalmihii ugu Dambeeyayna uu Aad u xanuunsanaa Ugu dambeeyn uu ugeeriyooday

Masuuliyiin katirsan Puntland Oo ugu horeyo madaxweynaha Puntland ayaa ka tacssiyadeeyay Geerida marxuunka

Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Siciid Cabdulahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.

“Waxaan dhammaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Golaha Xukuumadda Puntland, uga Tacsiyeeynaya geerida Alle ha u naxariistee Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland Asad Xuseen Xaashi oo ku geeriyooday Garoowe.

Marxuumku waxa uu ahaa masuul usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaana alle uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here