Maamulka Puntland Oo Kala Qaaday Maleeshiyaad Ku Dagaalamayay Deegaanka Saax-Maygaag

0

Maamulka puntland ayaa ku guulustay joojinta dagaal beeleed ka soconayay  deegaanka Saaxmaygaag iyadoona si rasmi ah uu maamulku u kala qaaday labada maleeshiya beeleed ee deegaanka isku horfadhiyay

Masuuliyiin ka tirsan puntland ayaa gaaray goobta lagu dagaalamay waxaana ay sheegeen In la fulinayo amarkasoo baxay dowlad goboleedka puntland islamarkaasna in arintaan inta laga xalinayo aysan jirin cid waxtalaabo ah qaadi karta

Masuuliyiinta ayaa iyaga oo kaa shanaya odayaasha dhaqanka ay sheegeen in xal waara laga gaari doono colaada beelehani ku dagaalamayay deegaanka sax maygag

Dagaalka beelahani ayaa ahaa mid salka ku hayay arimo la xariir isqabqabsi dhul waxaana Labada ay beelood  si rasmi ah u fuliyeen amar horay uga soo baxay maamulka puntland oo ku aadanaa in dhamaanba laga guuro dhulka laisku heysto

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa ayaa lageeyay deegaanka sax maygaag kaasi oo ah goobta ay ku dagaalamayeen labada beelood iyadoona ciidanka si gaar ah loogu xilsaaray in ay ilaaliyaan amaanka marka laga sootato labada dhinac ee la kala qaaday

Ugu dambeyn maamulka puntland ayaa amray in aan dhul deegaameysi aan laga sameeysan karin goobaha lagu muransanyahay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here