Guddiga Maamulka Doorashada Heer dowlad Goboleed ee Puntland ayaa warqad codsi ah u diray Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ku saabsanaa inuu soo gudbiyo liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Warqadda ay guddiga u direen Madaxweynaha Puntland ayaa u qorneyd sidan.
dalabkaan ayaa waxa uu kusoo aadaya xili doorashada aqalka sare ay si rasmi ah uga bilaabatay deegaanada mamaul goboleedyada dalka islamarkaasna haatan ay soo baxayeen codsiyo ku aadan in la dadajiyo doorashada aqalka sare


