Wafdi Ka Socda Dowladda Dhexe Oo Ku Wajahan Garoowe

0

Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Faderaalka ah ayaa waxa lagu wadaa in maanta ay gaaraan magalaada garoowe ee caasimada maamulka puntland

Wararka ayaa sheegaya in wafdigaan ay yihiin xubno wasiiro ah oo ka tirsan dowladda faderaalka ah kuwaasi oo magaalada garoowe u tagaya ka qeybgalka munaasabado kala duwan oo lagu xusayo aas aaska maamulka puntland oo ku beegan bari oo ay taariikhdu tahay 1 bisha sideedaad ee ogosto

Dhankale madaxweynaha maamulka jubbaland axmed madoobe ayaana isaguna ku wajahan ku jahan garoowe iyadoona la filayo in saacadaha soo socda uu gaaro halkaasi

Madaxweyne axmed madoobe oo maalmihi dambe faraha kula jiray arimaha qabashada doorashada aqalka sare ee jubbaland ayaa safar maanatay lagu wadaa in uu ugu ambabaxo magaalada garoowe si uu uga qebgalo u dabaaldaga markii dhidibada loo taagay maamulka puntland

Maamulka punrland oo ah dowlad goboleed soomaaliyeed ayaa waxaa la aas aasay 1-8-1998 iyadoona munaasabadu lagu xusayo xiligaasi lagu qabanayo magaalada garoowe ee xarunta maamulka puntland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here