Maamulka Jubbaland Oo Laga Dalbaday In Cadaalada La Horkeeno DadKii Dambeeyay Qaraxii Shalay

0

Maamulka Kooxda Kubabada Cagta Ee Jcci oo shalay gaari ay la socdeen cayaartoodoodu qarax xoogan lagu beegsaday gudaha maagalada kismaayo ayaa waxa ay maamul jubbaland in cadaalada ay horkeenan dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.

Guddoomiyaha rugta ganacsi jubbaland oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu si kullul uga hadlay qaraxaasi,waxaana uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in la beegsado dhilinyaro mustaqabal ifaaya leh kuwaasi oo aan waxba galabsan.

Waxaana Taliska ciidanka iypo madaxda ugu sareysa jubbland uu ugu baaqay in si ugu dhaqsiyaha badan gacanta loogu soo dhigoo ragii ka dambeeyay falkaasi .

Dhankale Taliska Booliska Maamulka jubbland ayaa waxa uu marka hore faahfaahin buuxada ka bixiyay qaabkii uu u dhacay qaraxii shalay ka dhacay magaalada kismaayo iyo khasaare inta uu geeystay

Waxaana talisku uu cambaareeyay falkii shalay qaraxa lagu eegtay dhalinyaro ciyaartoy ah oo doonayay in ay ka qeyb galaan tartan isboorti ah oo uu qabtay maamulka jubbaland

Taliska booliska jubbaland aya waxa uu sheegay in qasaaraha ka dhahsay weerarkaasi uu yahay dhimashada laba qof iyo darawalkii waday gaariga baska ah ee uu qaraxu haleeyalay Halka shankalena ay ku dhaawacmeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here