Guddiga Doorshooyinka Hirshabeele Oo War Cusub Kasoo Saaray Khilaafka Soo Kala Dhexgalay

0

Guddiga doorashooyinka maamulka hirshabeele ayaa war uu soo saaray waxa uu ugu hadlay arimo dhowr ah oo ku saabsan doorshooyinka iyo warar laga faafinayay baryihii dambe

Gudiga ayaa ugu horeyn waxa uu si kulul uga hadlay warar laisla dhaxmarayay oo ku aadanaa in khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay gudiga doorshiiyinka hirshabeele balse war guddigu waa uu beeniyay

Waxaana uu tilmaamay in aysan jirin wax khilaaf ah oo ka dhaxjira guddiga iyagoon sheegay in dadka warkaas faafinaya ay yihiin kuwa doonaya in ay cuuryaamiyaan heshiiskii arimaha dooorashooyinka ee dhawaan ay magaalada mudisho ku gaareen madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada

Gudoonka guddiga doorashooyinka ayaa waxa uu sheegay in ay cadeynayaan in uu san jirin wax madmadoow ah oo ka dhaaxjira guddiga islamrkaasna wararka laisla dhaxamaraya ay yihiin kuwa bulshada lagu marin habaabinayo

Dhankale guddiga waxa uu sheegay in guddiga doorshooyinka hirshabeele uu leeyahay kaliya gudoomiye iyo ku xigeen islamarkaasna uusan laheyn  xogleyn iyo iyo guddi hoosaad

Waxaana guddigu uu balan qaaday in si ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo dhisidoobnan jagooyinkaasi ka banan

Guddiga waxa uu ugu dambeeyn guddiga ayaa warbaahinta ugu baaqay in ay iska hubiyaan warar ay bulshada u baahinayaan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here