Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir maareeye ayaa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho iyagoona ka Hadlay dagaalkii ka dhacay Magaalada Marka iyo la wareegitaanka ciidamada Dowlada soomaliya ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Ugu Horeyntii Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in ciidamada dowlada soomaliya oo garab malatari ka helaya ciidamada Amisom ay u suurta gashay in la wareegaan Magaalada Marka oo dhawaan ay ka baxeen ciidamada dowlada soomaliya iyadoona ay la wareegeen al-shabaab,
Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa Tilmaamay in amaanka Magaalada haatan la isku haleyn karo isagoona ugu baaqay dadkii ka barakacay Magaalada in ay kusoo laabtaan Guryahooda madaama laga saaray al-shabaab oo siduu hadalka u dhigay wasiirka.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay shirka Jaraaid ayaa ugu baaqay warbaahinta in aysan boon booonin warar been abuur ah oo qalqal galin kara amniga Gobolka Shabeelaha Hoose.
Shirka Jaraaid ayaa imaanaya xili ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom ay maanta dib ula wareegeen Magaalada Marka oo al-shabaab shalay qabsadeen.






