Taliyaha Ciidanka Booliska oo ka Qeyb Galay Munaasabad Xariga looga Jarayay Dhismo Cusub oo Saldhig ah

0

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaliyeed Maxamed sheikh Xasan Xaamud ayaa Maanta ka qeyb galay munaasabad xariga looga jarayay dhismo cusub oo saldhig ah, kaasi oo ay  ku shaqeyn doonaan ciidanka booliska ee ka howgalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ka qeyb galay munaasabada Wasiir ku-xigeenka amniga ee Xukumadda Soomaaliya Cabdinaasir Maxamed Cali iyo saraakiil ka Tirsan ciidamada Midowga Africa ee amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Wasiir ku-xigeenka amniga ee Xukumadda Soomaaliya Cabdinaasir Maxamed Cali, oo Munaasabada hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in xaruntaan cusub ay ciidamada Booliska ka caawin doonto in si weyn loo sugo amaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho isagoo sidoo kale ugu baaqay Laamaha amaanka Garoonka In ay ka qeyb qaataan amaanka.

Dhanka kale Maxamed sheikh Xasan Xaamud oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in taliska Booliska soomaliyeed uu mahad balaaran u jeedinaayo Taliska amisom ee soomaliya oo ka qeyb qaatay in Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho laga hirgaliyo saldhig cusub ay ku shaqeyn doonaan Ciidamada Booliska soomaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here