Ciidanka Xoogga Dalka soomaliya ee ka hawl gala dagmada Buulo-burte ayaa saaka howlgal qorsheysan waxay ay ka fuliyeen deegaanka Afcad oo hoos yimada degmada Buulo-burte
Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Ee Howlgaladaan Horkacayay ayaa Guulo Dhowrvah ka sheegtay Howlgalkaan
Waxaana ay tilmaameen in qasaare xoogleh ay ku gaarsiiyeen alshabaab
Warkasoo baxay warbaahinta Qaranka Ayaa Waxaa lagu sheegay in Ciidanka ay aroornimadi hore ee saaka weerar ku qaaday fariisimaha Xubno ka tirsan Dagaalamaasha Al-shabaab Ku Leeyihiin Degmadaasi Buulo-burde iyadoo goobta la sheegay in laga maqlayay dhaawaqa jug culus.
Howlgalkaaan ayaa waxa hogaminay taliyaha qeybta27 Ganaral axmed maxamed calasow (taredisho) iyadoo goobta lagu dagalamay tahay goob dhawan ay ciidanka sheegteen inay ku dilen 15 kamid ah Alshabaab islamarkaasna ay sheegeen inbay ku bur buriyeen fariisimihii ay ku lahaayeen Halkaasi.

