Dowladda Kenya Oo Shaacisay Waqtiga Ciidamadeedu Ay Ka Baxayaan Soomaaliya

0

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday waqtigta ay ciidamada kala baxayso gudaha soomaaliya

Waxaana ay sheegtay in waqti dhaw aysan qorsheynayn in ciidamada Kenya ay ka baxaan soomaaliya

Taliyaha guud ciidanka gen. Robert Kibochi, oo wareysi siinayay mid ka mid ah Tvyada maxaliga ah ee kasoo baxa dalkaasi Kenya ayaa waxa uu ka dhawaajiyay

In wali soomaaliya ay ka jirto xasilooni daro islamarkaasna ay bu baahantahay in laga caawiyo dhinaca amniga iyo sugidiisa

Taliyaha ayaa waxa uu tilmamamay in dowladda Kenya ciidamada ay sii joogayaan soomaaliya tan iyo inta laga gaarayo nabad iyo xasilooni

Taliyaha guud ciidanka gen. Robert Kibochi, ayaa ku nuux nuuxsaday in ciidamada soomaaliya wali aysan gaarin heer ay hantaan amniga guud ee dalka

Waxaana uu sheegay in Kenya iyo ciidamada kale ee nabad ilaalinta midowga afrika wali ay soomaaliya aysan ka maarmin isaga oo intaa raaciyay in ay garabtaagnaanayaan soomaaliya ay ka saacidayaan dhinaca sugida amaanka

Hadal kaso baxay taliyaha ciidanka guud ee Kenya ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili dhawaan uu khilaaf xoogan soo kala dhaxgalay soomaaliya iyo Kenya oo daris ah islamarkaasna la qiyaasayay  in ciidamada Kenya ay ka baxayaan

Dowladda kenya ayaa warkaasi biya qabow ku shubtay iyada oo sheegtay in ciidankeedu waqtigaan iyo mid u dhawba aysan ka bixidoonin gudaha soomaaliya

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here