Waxaa lagu wadaa in maanta si rasmi ah ay magaalada kismaayo ugu bilaabato diiwaan galinta xubnaha musharaxiinta jubbaland ee utartamaya in ay ka mid noqdaan senetarada aqalka sare ee barlamaanka soomaaliya
Madaxweynaha jubbaland Axmed Maxamed islaam madoobe ayaa shalay xubnahaan oo tiradoodu gaaray ilaa iyo 4 Soo magacaabay waxaana la filayaa in isla maanta kismaayo lagu diiwaan galiyo si ay degdeg ugu dhacado doorashada aqalka sare ee jubbaland oo si aad ah looga dhursugayay
Guddiya doorashooyinka ayaa shaaciyay in ay maanta oo arbaca ah qabanayaan codsiyada musharaxiinata utartameysa aqalka sare ,waxaana ay intaasi ku dareen guddiyadu in qudbadjeedinta musharaxiintu ay bilaabanayso maalinta xigta ee khamiista ah
qaar kamid ah musharaxiinta oo afar gaaraya wali lama magacaabin sababo la xariira in wali uu muran ka taagay yahay beelaha ku raastaasi leh islamarkaasna inta laga soo xalinayo madaxweynaha jubbaland ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in qeyb ka mid ah oo uu magacaabay doorashadooda la qabto kuwa kalana uu kusoo xijin doona marka uu mudugu ka baxo
Armaha doorashoyinka dalka ayaa si xowli ah ku socda waxaana la filayaa in si rasmi ah loo gudaha gali maadaama waqtigii lagu balamay in ay bilowdaan ay dib uga dhacday

