Dowladda Faderaalka Somaaliya ayaa waxa ay sheegtay in xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab Qarax ay ku farsameeynayeen deegganka comaad ee gobolka Hiiraan ku qarax islamarkaasna qasaare tiro badan uu k dhashay kadib markii uu ku qarxay gaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyey waxyaalaha qarxa.
Dadka xoola dhaqatada ah ee deegganada Comaad iyo beer gadiid, ee gobolka Hiiran ayaa sheegay in saddex gaari oo ay la socdeen al-shabaab uu qarxay mid kamid ah halkaas oo khasaaro xooggan uu ka soo gaaray, waxaana qaraaxisi ku naf waayey toban ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab. Sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda.
Waxaana intaasi ku daray lagu in qaraxa kadib xubniihii ka tirsanaa alshabaab ay iskaga tageen goobtii uu qaraxu ka dhacay. Waxaana ay halkaas la sheegay in ay ka jiiteen gaari qaraxa waday oo burbursan.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgallo ka wada deeganada u dhaxeeya Baledweyne iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan, iyadoona ciidamada dowladdu ay guulo dhowr ah ka sheegteen howlagaladaasi.
Qaraxaana waxa uu kusoo aadayaa xili maalin ka hor qarax miino ciidamada dowladda lagu ee tagay deegaanka comaad ee gobolka hiiraan kaas oo la sheegay in ay ku dhinteen ciidamo badan oo ka tirsan dowladda

