Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Lala Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Dowladda

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare kala duwan geeystay oo lala beegsaday ciidamo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya  xili ay marayeen  deegaano dhaca bartamaha gobolka hiiraan.

warar kala duwan ayaa laga helayaa  Qarax maanta barqadii ka dhacay deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan kaasi oo lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Dowlada Federaalka.

al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaasi,waxaana ay sheegeen in  qaraxaasi uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidanka dowladda
al-shabaab wararka ay kubaahiyaan dhinaca barahooda interneetka waxa ay sheegteen in qaraxaasi ay ku dileen 2 askari halka 3 kale ay sheegeen in ay ku dhaawaceen
warkasoo baxay al-shabaab ayaa intaas ku daraya in gebi ahaanba uu burburay gaariga Tiknikada ah ee ay miinadu la kacday, xili uumarayay  deegaanka Coomaad ee hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here