Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare kala duwan geeystay oo lala beegsaday ciidamo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya xili ay marayeen deegaano dhaca bartamaha gobolka hiiraan.
warar kala duwan ayaa laga helayaa Qarax maanta barqadii ka dhacay deegaanka Coomaad ee gobolka Hiiraan kaasi oo lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Dowlada Federaalka.
al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaasi,waxaana ay sheegeen in qaraxaasi uu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidanka dowladda
al-shabaab wararka ay kubaahiyaan dhinaca barahooda interneetka waxa ay sheegteen in qaraxaasi ay ku dileen 2 askari halka 3 kale ay sheegeen in ay ku dhaawaceen
warkasoo baxay al-shabaab ayaa intaas ku daraya in gebi ahaanba uu burburay gaariga Tiknikada ah ee ay miinadu la kacday, xili uumarayay deegaanka Coomaad ee hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

