Maxkamada magaalada garoowe ee deegaanada puntland ayaa maantay waxa ay xukuno ku riday sagaal nin oo eedeeysanayal ah kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgalo ay sameeyeen ciidamada maamulka puntland
Ragaan Maanta la xukumay Ayaa waxa loo heystay in deegaanada puntland ay soo galinjireen waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaana qamriga
waxaana maxkmaadu ay sheegtay in dambigaasi lagu soo eedeeyay ragaan lagu helay islamarkaasna lagu xukumay min 10 sano xabsi ah iyo 1000 (kun) doolar Oo Gaanaax Ah
Sidookale maxkamada magalada garoowe ayaa waxa ay sheegtay in lasiidaayay mid ka mid ah eedeysanayaasha kaasi oo lagu waayay wax dambi ah iyadoona sheegtay in ninkaasi xuriyadiisa dib loogu celiyay
Maxkamadaha maamulka punland ayaa waxa ay mudooyinkii dambe xuno kala duwan ku riydayeen dad eedeeysanayaal ah kuwaasi oo lasheegay in lagu soo qabtay iyaga oo gacmaha kula jira falal dambiyeedyo

