Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed qeybta 21-aad oo ay weheliyaan Daraawiishta Galmudug ayaa soo bandhigay Saanad iyo maydka xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al shabaab kuwaasi oo lagu dilay Dagaal galinkii dambe ee shalay ka dhacay Koonfurta Gobolka mudug.
Saraakiisha ciidmada dowladda ayaa sheegay inay dagaalkii ugu dambeeyay ay sidookale ku dileen saraakiil sare sare oo ka tirsan Al shabaab oo ku sugnaa goobaha ay Ciidanku weerareen,islamarkaana waxa ay sheegeen in ay kasoo furteen hub iyo saanad.
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay inay la wareegeen Fariisimo ay al-shabaab ku lahaayeen deegaanada la weeraray
saacadihii ugu dambeeyay ciidamada dowladda iyo al-shabaab ayaa waxa ay ku dagaalamayeen deegaano ka tirsan gobolka mudug iyadoona saraakiisha ciimada dowladdu ay guulo dhowr ah ka sheegteen dagaaladaasi

