Khasaaro Ka Dhashay Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Oo Maanta Isku Rasaaseeyay Duleedka Muqdisho

0

Warar naga soo gaaraya duleedka magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa waxa ay kusoo waramayaan in ciidamo ka wada tirsan dowladda ay daqiiqado ka hor maantay ku dagaalameen isgooska exkoontarool afgooye ee duleedka magaalada muqdisho

xili ay israsaaseentaan ay dhaceysay ayaa waxa lasoo sheegayaan in goobtu ay aheyd mid mashquul badan uu kajiray oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah

khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa israsaaseeyntaan kala dhalatay ,waxaana ay israsaaseyntu timid kadib markii ciidamo ka wada tirsan dowladda ay isku qabsadeen lacago canshuur ah oo laga qaaday gadiid leyda isticmaasha wadada xiriirisa muqdisho iyo afgooye

inta la xaqiijyay 6 qof oo labada ciidan ah ayaa la sheegay in ay ku dhinteen israsaaseynta halka tiro intaasi ka badan lasheegay in ay ku dhaawacmeen

majirto cid si rasmi ah ciidamada u kala dhexgashay balse waxa ay dadka ku sugan duleedka muqdisho ay sheegeen in xabadu ay iskeed u istaagtay

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here