Midowga Musharaxiinta Oo Madaxweyne Farmaajo Ugu Baaqay In Uu Joojiyo Carqaladeynta Howlaha Doorashooyinka

0

Golaha Midowga musharaxiinta ayaa waxa ay bayaan ay soo saareen kusoo dhaweeyay go,aankii uu qaatay raiisuol wasaare rooble ee uu xilka uga qaaday qaar ka mid ah masuuliyiinka ha,adaha amniga dalka kuwaasi oo garoonka diyaaradaha ka celiyay siyaasiyiin iyo shaqsiyaad safar doonayay.

Dhanakale waxa goluhu waxa uu baaq udiray madaxweyne maxamed cabdulaahi farmaajo iyagoo ugu baaqay in uu ka waan toobo isku dayada uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo geedi socodka arimaha doorashooyinka.

Waxaana ay sheegeen in ay muuqato faragalinta iyo isku dayada uu wado madaxweynuhu islamarkaasna waxa ay sheegeen in loo baahanayahay in arimaha uu ka joogo madaxweynuhu si dalka ay ugu dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here