Ciidamada Dowladda Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaan Udhaw Bacaadweyn

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta  si buuxda ula wareegay degaanka Qaycad oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen Ciidanka dowladda iyo dagaalamasha  Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka xooga dalka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalkaan ay qasaare xogleh ku gaarsiiyeem Al-Shabaab iyagoo sheegay in  marba marka ka dambeysa ay ka qabsanayaan  degaanno muhiin ah oo ay ku sugnaayeen.

Ciidamada dowladda iyo kuwa galmudug ayaa sacadiihii aan kasoo gudubnay sheegtay dhowr deegaan oo ay sheegeen in ay ka qabsaden alshabaab balse majirto warar kale oo madax banan kuwaasi oo cadeynaya qasaaraha ka dhashay dagaaladaan iyo deegaanada lagu kala qabsadayba

Dhowaan ayay ahayd markii ay Diyaaradaha dagaalka Marayakanka duqeyn ka geysteen degaanno ka tirsan Galmudug, kuwaas oo la sheegay in lagu dilay  saraakiil iyo xubno  tirsanaa dagaalamasha  Al-Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here