Madaxweynaha maamulka puntland saciid cabdulaahi dani oo muddooyinkii dambe ku maqnaa dalka dibadiisa ayaa waxa la filayaa in maanta uu soo gaaro magaalada garoowe iyadoona la sheegay in madaxweynuhu uu ku jiro qabanqaabadiisa doorashada dalka ka dhaceysa oo uu mushgarax ka yahay
Qabanqaabada soo dhaweynta madaxweynaha punrland saciid cabdulaahi dani ayaana lagu soo waramayaan in hada ay ka socoto magaalada garoowe
Madaxweyne dani ayaa safarkiisaan waxa uu yimid kadib heshiiskii arimaaha doorashooyinka ee magaalada muqdisho ka dahacay ,waxaana uu intaasi kadib safar ugu ambabaxay magaalada kismaayo halkaasi oo uu kulamo kula qaatay madaxweynaha jubbaland axmed madoobe
Saciid dani ayaa safarkaasi kadib uga sii baxay dalka kenya safar uu ku tagay iyadoona uu safar kala duwan ku maray dalal kale uu ku jiro imaaraadka carabta kuwaasi oo aan faahfaahin badan iyo xogba laga heyn
dhanakale madaxweyne dani ayaa lagu wadaana in xildhibaanada barlamaanka puntland uu u gudbiyo Xubnaha U tartamaya xildhibaanada aqalka sare ee barlamanaka soomaaliyee

