Taliyaha Ladagaallanka Argagixisada ee Daraawiishta Galmudug Geedi Qalabxoor ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in sarkaal uu isku dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan aagga deegaanka Bacaadweyne, kaas oo lagu magacaabo Dalabeey Cabdi Macallin.
Taliyaha ayaa tilmaamay inay jiraan saraakiil kale oo ka tirsan Al-shabaab oo la soo xariiraya ciidanka, kuwaasi oo doonaya inay isaga soo tegaan dagaalamayaasha Al-Shabaab,
Ciidamada dowladda, kuwa maamulka galmudug iyo al-shabaab ay mudooyinkii dambe ku dagaalamayay deegaano ka tirsan koonfurta gobolka mudug
Waxaana xusid mudan in dowladdu ay guulo dhowr ah ka sheegatay dagaaladaasi oo ay sheegeen in ay ku qabsadeen deegaano ay horay ugu sugnaayeen dagaalamayaasha al-shabaab

