Ciidamada dowladda faderaalka soomaaliya ayaa xalay waxa ay markale howlgalo balaaran ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka banaadir
Howlgaladaan ayaa waxa ay ahaayeen kuwa culus oo lagu soo qabtay boqolaal qofood kuwaasi ciidamada dowladdu ay baaritaano ku sameeynayeen
Waxaana la sheegay in qaarkooda dadka lasii deynayay halka kuwa kale si baaritaan dheeriya loo gusameeyo loo ka xaynayay saldhigyada ciidanka booliska
Howlgaladii ugu culuslaa xalay waxa ay ciidanka dowladdu ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmada hodan si gaar ah xaafada albarako iyadoo la arkayay dhalinyaro farabadan oo laiskugu keenay hal goob
Ciidamada dowladda ayaa inta ay howlgaladaan wadeen waxa ay guri guri ubaarayeen xaafada qaar ee degmooyinka gobolkabanaadir
Taliyaha ciidanka booliska degmada hodan bashiir cabdi siyaad ayaa warbaahinta ciidanka booliska ay ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmooyibka gobolkani banaadir
Waxaana uu sheegay in howlgaladaan ay ahaayeen kuwa amniga lagu xaqiijinayay islamarkaasna ay ciidamada boolisku fuliyeen
Waxaana uu tilmamay in howlgaladaan ay daba socdaan howlgalo ay ciidanka dowladda ay kawadeen xaafado ka tirsan magaalada muqdisho

