Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Guryo Baaris Ah Ka Sameeyay Muqdisho

0

Ciidamada dowladda  faderaalka soomaaliya ayaa xalay waxa ay markale howlgalo balaaran ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka banaadir

Howlgaladaan ayaa waxa ay ahaayeen kuwa culus oo lagu soo qabtay boqolaal qofood kuwaasi ciidamada dowladdu ay baaritaano ku sameeynayeen

Waxaana la sheegay in qaarkooda dadka lasii deynayay halka kuwa kale si baaritaan dheeriya loo gusameeyo loo ka xaynayay saldhigyada ciidanka booliska

Howlgaladii ugu culuslaa xalay waxa ay ciidanka dowladdu ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmada hodan si gaar ah xaafada albarako  iyadoo la arkayay dhalinyaro farabadan oo laiskugu keenay hal goob

Ciidamada dowladda ayaa inta ay howlgaladaan  wadeen waxa ay guri guri ubaarayeen xaafada qaar ee degmooyinka gobolkabanaadir

Taliyaha ciidanka booliska degmada hodan bashiir cabdi siyaad ayaa warbaahinta ciidanka booliska ay ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmooyibka gobolkani banaadir

Waxaana uu sheegay in howlgaladaan ay ahaayeen kuwa amniga lagu xaqiijinayay islamarkaasna ay ciidamada boolisku fuliyeen

Waxaana uu tilmamay in howlgaladaan ay daba socdaan howlgalo ay ciidanka dowladda ay kawadeen xaafado ka tirsan magaalada muqdisho

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here