Iyadoo Dhawaan Magaalada muqdisho ay banan baxayo xoogan ka dhigeen waalidiin aad uga careysan xukun dil ah oo maxkamada maamulka puntland ay ku riday 8 nin lagu eedeeyay in ay ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ayaa waxa arintaasi si kulul uga hadlay maamulka puntland
gudoomiyaha gobolka mudug ee qeybta puntland cabdiladiif muuse nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ragaasi ay yihiin dambiilayaa lagu helay dabiga ay galeen islamarkaasna aysan aqbalayn in lagu difaaco habqabiil
waxaana uu sheegay in waalidiinta ka cabanaya in caruurtoodii la xukumay ay u arkaan kuwa ay soo direen oo ay daba ka riixayaan dagaalamayaasha al-shabaab
gudoomiye cabdiladiif ayaa sheegay in puntland ay leedahay hal cadow kaasi oo ah al-shabaab islamarkaasna aysa jirin cidkale oo ay u beegsanayaan hab qabeel
waxaana uu intaasi ku daray in hadalka kasoo yeeray odayaasha caruurtooda la xukumay uu yahay mid la doonayo in lagu yareeyo howlgalada ka dhanka ah al-shabaab islamarkaasna aysan aqbaleeyn in la difaaco qof isagu dil geeystay
waalitiinta cabshada ka qabay rag ay xukuntay madaxkamada puntland ayaa waxa ay raiisul wasaare rooble ka dalbadeen in wiilashooda cadaalada loo fiiriyo islamarkaasna muqdisho la keeno

