Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulamo Dib U Heshiisiin ah Ka Bilaabay Gobolka Gedo

0

Raiisul wasaaraha xukumada federalka soomalia ayaa kulamo kala duwan ka wada gobolka gedo kulamadaasi  oo ku aadan arimaha doorashooyinka dalka  Waxaa uu si rasmi ah raiisul wasaaruhu kulamadaan kaga  bilaabay Magalada garbahaarey ee Xarunta gobalka gedo .

Raiisul wasaare rooble ayaa kulamadii ugu danbeeyey waxa uu la qaatay Wargaradka ,Ugaasyada Beelaha, Siyaasiyiinta iyo  Qeybaha kala duwan ee  bulshada .

Afayaheenka Xukumada Soomaliya Maxamed Ibraahim Macalimow oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulamada uu raisul wasaaruhu ka wado gobolka gedo ay yihiin kuwo udub dhaxaad u ah dedaalada dib u heshiisiinta gobalka gedo.

Dhinaca kale Waxgaradka iyo odeyasha Dhaqanka ayaa Raiaul wasaare rooble uga mahadceliyey  dadaalada uu ku bixinayo in dib u heshiis dhab ah ay ka hir gasho gedo ka hor doorashada .

Gobalka gedo ayaa  waxa uu ka mid yahay meelaha khilaafkoodu uu hareeyey doorashooyinka dalka ka dhacaya  iyda oo ay ku kala aragti duwnaayeen Madaxweenaha Mudo xileedkiisa dhamaaday iyo hogaanka jubaland  taasi oo keentay  in Qilaafka doorashada uu Soo jiitamo ilaa iyo Xiligaan .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here