Weerar Lagu dilay dad Shacab ah Ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Saax-qurun oo dhacda galbeedka Galkacyo ee Gobolka Mudug.
Weerarkaasi xalay saqdhexe dableyda hubeysani ee aan haybtooda la aqoon ay ku qaaday Qoyskaas ayaa waxa ku dhintay 2 Caruur ah iyo Aabahood oo lagu magacaabo Xasan Diiriye Cilmi Waalid, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil yar oo 8 deed jir ah.
Hooyada Caruurta dhashay ayaa la sheegay inaanay goobta joogin marka uu falkaasi dhacayay. Sida ay baahisay warbaahinta dowladda
arintaan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay la xariirto aanooyin qabiil islamarkaasna ay d maleeshiyo beeleed hubeysan ay ka dambeeyeen dilka xalay goordambe loo geeystay dadkaan shacabka ah oo aan waxba galabsan

