Ururka 4-aad ee guutada 16-aad ee Ciidanka Kumandooska danab ayaa waxa ay howlgalo qorsheysan ka sameeyey deegaanada Maracade,Galka Salim oo dhamaantood ka tirsan gobalka shabeelaha hoose.
warkasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxa lagu sheegay in intii ay socdeen howlgalkan ay Ciidanka kumandooska danab ku burburiyeen Fariisomo ay dagaalamayaasha Alshabaab ku Qaadi jireen lacago ay ka qaadayaan bulshada ku dhaqan deegaanadaasi.
waxaana in taasi ay ku dareen warka lasoo baxay dowladda in howlgalkaan ay guulo farabadan ay ciidanku ka gaareen islamarkaasna ay ku xaqiijiyeen amaanka goob dhowr ahna ay kala wareegeen al-shabaab
Ciidanka Kumandooska danab ee si Gaar u tababaran ayaa mudooyinkii dambe howlgalo ka waday deehaano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose
Waxaana howlgaladaasi lagu sheegay in ay yihiin kuwa ka dhanka ah dagaalamayaasha al-shabaab iyadoo saraakiisha ciidanka dowladdu ay wacad ku mareen in howlgaladaan ay sii wadi doonan inta laga xaqiijinayo sugida amaanka islamarkaasna al-shabaab ay ka saarayaan deegaanada dhaca gobolka shabeelaha hoose

